4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 11, 2017
Doorashadda madaxtooyadda Soomaaliland oo la shaaciyey wakhtiga ay dhacayso

 

Axad,Juune, 11, 2017 (HOL)- Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa maanta wareegto ku saaray maalinta Doorashadda madaxtooyaddu ka dhici doonto dalka.

Madaxweynaha ayaa cayimay in ay doorashadda Soomaaliland ee madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku qabsoomi doonto taariikhdu marka ay tahay 13/11/2017, taas oo uu sheegay in ay noqonayso maalinta loo dareeri doonno doorashadda.

Sidoo kale, Guddida Doorashooyinka ayaa iyaguna shalay shaaciyey in bisha 13/11/2017 qabsoomi doonto doorashadda, waxaanay u gudbiyeen madaxweynaha, waxaanu madaxweynuhu ku raacay go’aankii guddida doorashooyinku soo saareen.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4866/062017 ku Cayimay Xilliga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland la qaban doono”ayaa lagu yidhi qoraal xafiiska madaxweynaha ka soo baxay .

Waxaana intaas lagu daray “ Markuu Helay: Qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee Summaddiisu tahay KDQ/XK/060/2017 ee ku taariikhaysan 08/06/2017, Ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan Qodobka 9aad (2) ee Xeerka Wax-ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaannada ee Xeer Lr. 20/ 2001;

Markuu Arkay: Go'aanka Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ee summaddiisu tahay GG/JSL/Go'aan-02/03/2017, kuna taariikhaysan 06/03/2017, kaas oo lagu sameeyey muddo korodhsiimo ku eeg 13/12/2017;

Markuu Arkay: Qoraalka Maxkamadda Dastuuriga ah, ee summaddiisu tahay MD/DD/01/2017, kuna taariikhaysan 16/02/2017, ujeeddadiisuna tahay Qaraarka Dib-u-eegista Qaraar Fasiraad lam.MS/DD/02/2015 ee 18/08/2015;

Markuu Ku Qancay :In ay lagama-maarmaan u tahay Hannaanka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka in la cayimo xilliga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland;

Wuxuu Soo saaray

Xeerkan oo lagu go'aamiyey in taariikhdu marka ay tahay 13/11/2017, ay noqoto maalinta ay qabsoomayso Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.”

Si kastaba ha ahaatee, dhawr jeer oo hore ayaa doorashadda madaxtooyadda iyo Baarlamaankaba dib loo dhigay, iyagoo doorkii u dambeeyey lagu sababeeyey abaarihii dalka ka jiro, inkastoo imika uu wadanku ku jiro xaalad adag oo shuban biyood ah oo inta badan goboladda laga soo sheegayo shuban biyood, waxaana gudoomiyaha golaha Guurtiddu sheegay in haddii hore loo xakameyn waayo shuban biyoodka qasab noqon doonto in doorashadda mar kale dib loo dhigo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.