4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 11, 2017
Banaabaxyo Muslimiinta looga soo horjeedo & Kulan Lagu Taageeray oo MN ka dhacay (Video iyo Sawiro)

 

Waxaa shalay  ka dhacay ilaa 20 gobol oo ku yaal Mareykanka banaanbaxyo looga soo horjeedo shareecada diinta Islaamka iyo Muslimiinta ku dhaqan dalka Mareykanka.

Waxaa dibadbaxyadaan soo qabanqabiyey urur lagu magaacabo Act for America waxayna sheegeen inay ka soo horjeedaan Shareecada Islaamka iyo dadka Muslimiinta ah.

Magaalada caasimada u ah gobolka Minnesota ee St. Paul ayaa shalay  waxaa ka socday laba banaanbax oo kala duwan kan kowaad waxaa qabtay ururka aan kor ku xusay kan labaadna waxaa qabtay dad garab iyo hiil u ahaa dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan Maraykanka.

Waxaana shalay ka dhex dhacay isku dhac labada dhinac ee kala fakerka duwanaa waxayna ciidamada ilaaliya aqalka looga arimayo gobolka iyo kuwa loo yaqaan  State Patrol ka ay xabsiga u taxaabeen dad gaaraya ilaa 7 qof oo lagu eedayey inay gaysteen rabashado  mana aysan jirin cid wax ku noqotay isku dhacaas.

dadkii iyagu ku baananbaxayey Muslimiinta  ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhagyo ay ka mid yihiin, Shareecadu waa Jihaad,” “Islaamku Mareykan ma aha,” “Joojiya dadka Muslimiinta ah ee dalka Mareykanka u soo socdaalaya” iyo waxyaalo la mida.

 Isla Shalay galankii danbe  xaafadda Soomaalida ee Cedar  Riverside ee magaaladda Minneapolis ayaa waxaa ka dhacay kulan wayn oo loo xiray wadooyinka waawayn ee xaafadaa ,halkaas oo lagu qabtay  kulan ay kuwada afurayeen dadka Muslimmiinta ah iyo dadka cadaanka  ee dagan xaafadahaa kuwaas oo iyagu ogol wada noolashaha dadka kala diimaha duwan, Afurkaan oo lagu magic daray Afurka Midnimada.

Wada afurkan dadka kala diimaha duwan ayaa u jeedadiisu aheyd in taageero loogu muujiyo Muslimiinta ku dhaqan gobalka Minnesota ,

Waxaana soo qaybanqaabiyey qaar ka mida ururada u shaqeeya arimaha bulshada iyo Masjidka Darul Hijra ,

Waxayna aheed markii ugu horeeysay ee meel banaan ah sameecado lagu aadamo,    Adaankaa kadib ayaa salaadii maqribka waxaa lagu tukaday wadada dhexdeedaiyadoo dadkii aan muslimiinta aheena ay daawanayeen sida ay muslimiintu u tukanayaan ,

kulankaan oo ay ka soo qayb galeen boqolaal qof ayaa waxaa marti dii ka soo qaybgalay ka mid aheed duqa magaaladda Minneapolis Betsy Hodges oo mar walba sheegta inay garab taagan tahay Muslimiinta iyo dadka laga tirada badan yahay ee dagan magaaladda ay xukunto iyadoo shalayna sheegtay in ay ka soo horjeedo banaanbaxyadii dhacay waxayna tiri anigoo ah duqa magaaladan waan idin garab taaganahay walalahayga Muslimiinta ahoow waana idin jeclahay, waxayna ku dartay in dibadbaxyadaan laga dhaxlay nidaaamka madaxwayne Trump .

Kulankii shalay ayaa ku soo gabogaboobay si nabadgalyo ah iyagoo wajiyadooda ay ka muuqatay farxad dadwaynahii kala duwanaa ee ka soo qaybgalay kulankii taariikhiga ahaa shalay ka dhacay magaaladda Minneapolis.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis,MN