4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 11, 2017
Kooxo hubeeysan oo nin ganacsade ah ku dilay magaalada Muqdisho
Axad, June, 11, 2017 (HOL)-Kooxo Dableey hubeysan ayaa maanta Suuqa Beerta ee Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ku dilay Alle ha u Naxariistee Axmed Maxamed Aadan oo kamid ahaa ganacsatada sarifta lacagaha qalaad.

Kooxaha dilka geystay oo aan heybtooda la aqoon ayay u suurogashay in ay si nabad ah uga baxsadaan goobta ay dilka ka geysteen.

Masuuliyiinta maamulka degmada iyo laamaha ammaanka weli kama hadli dilka, mana jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.

Dilka loo geystay ninkani ganacsadaha ah ayaa kusoo beegmaya ayadoo mudooyinkii u danbeeyay ay magaalada ka soconayeen howlgallo lagu xaqiijinayo nabadgelyada oo ay wadeen ciidamada xasilinta caasimadda.

Suuqa uu dilka ka dhacay ayaa ah suuqa aad u mashquul badan oo dad fara badan ay ka dukaameeysanayeen.

Sida ay inoo sheegeen dadka aqoon u leh Marxuumka, Alle ha u Naxariistee Axmed Maxamed Aadan oo 68 Jir ahaa ayaa ka mid ahaa Ciidamadii hore ee Dowladdii Milatariga ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya