4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 11, 2017
Wiil uu dhalay Qadaafi oo xabsi laga soo daayay

 
Axad, June, 11, 2017 (HOL)- Warbaahinta dalka Libiya ayaa baahiyay in xabsiga laga sii daayay Wilka ugu yar wiilasha uu dhalay hogaamiyihi hore ee dalka Liibiya Macamar Al-Qadafi.

Seif al-Islam ayaa muddo dhan 6 sanno ku jiray xabsiga ku yaala dalka Liibiya kaddib markii xilka laga tuuray aabihii sannadkii 2011-ka. Waxaana jiray warar hore oo sheegayay in la sii daayay Seif al-Islam balse markii dambe been noqday.

Siideynta Saif al Islam Qadaafi ayaa waxaa ay dalka Liibiya kusoo kordhin karta xaalad kale oo kala qeybsanaan ah.

Dhinaca kale koox gacan ku heynta magaalladda Zintan ee galbeedka dalka Libya ay shegeen inay sii dayeen Seif Al-Islam, oo ay cafiyeen. 

Qeyb-kamid ah dalka Liibiya waxaa ka socda dabaal degyo xooggan oo lagu soo dhoweynayo Seif.

Dowladda Libiya waxaa ay sheegtay in deganaashaha dalka la muujiyo. 

Sanadki 2015-kii maxkmaad ku taala magaalada Tripoli ayaa ku xukuntay dil sababa la xiriira falal dambiyeedyo uu ka geystay dalkaasi xiligii uu socday kacdoonkii ka dhanka ahaa aabihii.


Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia