Soomaaliland oo xiriirka u jartay dowladda Qatar
Sabti, June, 10, 2017 (HOL)- Golaha Wasiirada Somailand oo uu
hogaaminayo madaxweyne Siilaanyo oo maanta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyadda ayaa sheegay inay si toos ah u taageerayaan
xulafadda Sucuudiga iyo Imaaraadka ay xidhiidhka u jareen wadanka Qadar.
Somaliland ayaa sheegay in aanay
ogolayn cid kasta oo taageerta argagixisadda ama nabadgalyada caalamka wax u
dhimaysa, waxaanay inay la mawqif yihiin dalalkaKHaliijka ee xidhiidhka u jaray
wadanka Qadar.
“Jamhuuriyadda Somaliland, iyada
oo tixgelinaysa cilaaqaadka taariikhiga ah ee dhaqan, dhaqaale iyo siyaasi ee
ka dhexeeya Soomaaliland iyo Wadamada Khaliijka, waxaa ay golaha Wasiirradu maanta
oo taariikhdu tahay 10/06/2017 isugu yimaadeen shir aan caadi ahayn,kaasi oo uu
guddoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.Shirka Golaha Wasiirradu
wuxuu ku saabsanaa khilaafka siyaasiga ah ee ka dhexeeya dalalka khaliijka iyo
mawqifka Jamhuuriyadda Somaliland ay ka qaadanayso.”ayuu yidhi wasiirka
Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire oo akhriyey go’aankii ka soo baxay shirka
golaha wasiiraddda.
Go’aamadda golaha wasiiradda ka
soo baxay waxay u qornaayeen sidan:
1. in Jamhuuriyadda Somaliland si
buuxda u taageerto mawqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sucuudiga iyo Imaaraadku
khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo Dalka Qadar.
2. Laga bilaabo maanta cid aan
ogolaansho ka haysan Jamhuuriyadda Somaliland ma isticmaali karaan, mana mari
karaan hawada Jamhuuriyadda Somaliland.
3. Jamhuuriyadda Somaliland way u
madax-bannaan tahay cirkeeda, dhulkeeda iyo baddeedaba, Soomaaliyana kama
taliso, mana bixin karto ogolaansho cidi ku isticmaasho cirka, dhulka iyo badda
Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhinaca kale, wasiirka Duulista
hawadda Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo isagu warbaahinta la hadlay saaka
ayaa sheegay in Dawladda Qadar u ogolaanayaan inay isticmaalaan hawadda
Somaliland.
Waxaanu sheegay inay maalin kasta
ay diyaaradaha Qadar soo maraan hawadda Somaliland,isla markaana og yihiin
maalin kasta diyaaradaha kala duwan ee hawadda Somaliland soo mara.
“nidaam baanu leenahay haddii
aynu Somaliland nahay aanu ku maamulno diyaaradaha hawadeenna soo mara, waxaanu
diwaangalinayaa saacad walba iyo maalin walba diyaaradaha hawadeenna soo mara,
marka diyaadaha Qadar Airways waanu la socona oo jidka ay maraan, oo waxay soo
maraan hawadeena oo waxay ka soo wareegaan Iiraan, Cumaan waxayna hawadeena ka
soo galaan Laasqoray oo ay Hargeysa soo dul maraan oo dalalka Afrika kaga sii gudbaan”ayuu
yidhi wasiir Haybe oo isagu taageersanaa inay diyaaradahoogu soo maraan hawadda
Somaliland.
Wasiirka hawadda Somaliland ayaa
u muuqday mid aan wax badan kala socon shirka golaha wasiiradda iyo go’aamadda
ka soo baxay, taas oo ay is burinayaan labadda hadal ee ay ku kala hadleen.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.