4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 10, 2017
Sh Maxamed Cumar Dirir oo ka cudur daartay in lagu daro guddida culimadda

 

Sabti,Juun 10,2017 (HOL)- Sheekh Maxamed Cumar Dirir ayaa sheegay in uu ka cudur daartay inuu ka mid noqdo guddidda culimadda oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo magacaabay.

Guddidan Culimada ee madaxwayne Silaanyo magacaabay ayaa lagu sheegay in ay ka shaqayn doonaan xoojinta midnimada iyo wadashaqaynta culimadda.

Hasste ahaatee Sheekh Maxamed Cumar Dirir ayaa sheegay in intii aan lagu dari liiskaasi uu hore u sheegay in aanu ka mid noqon karin.

Inkastoo dastuurka Somaliland uu dhigayo in golaha Culimaddala aasaaso, hasse ahaatee xukumadihii kala dambeeyey midkoodna iskuma dayin in uu gole culimo dalka ka hirgaliyo.

Sheekh Maxamed Dirir ayaa dhawr jeer oo hore ka cudur daartay guddiyo kala duwan oo lagu daray, waxaanu sheegay in aanu wakhti u heli karin, maadaama oo barnaamijyo diiniya uu ka waddo masaajidda wadanka, sidaas darteed uu ka cudur daartay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa 12 ruux u magacaabay guddidaasi culimadda, kuwaas oo uu sheegay in ay ka shaqayn doonaan wada jirka culimadda iyo wacyigelinta bulshadd ee dhaqamadda islaamka ka fog in ay bulshadda ku baraarujiyaan.

Barkhad-Ladiif M.Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

hargeysa, Somaliland