4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 10, 2017
Isbadal lagu sameeyay maamulka gobolka Hiiraan iyo guddoomiye cusub oo la magacaabay

 

Sabti, June, 10, 2017 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa is badal ku sameeyay maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Hiiraan, waxaana loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Cumar Aadan Deeqoow ‘’Baadiyoow’’ iyadoo xilka laga qaaday Cali Jeynte Cismaan.

Guddoomiye ku-xigeenka arimaha amniga ayaa loo magacaabay Maslax Maxamed Cismaan, guddoomiye ku-xigeenka maamulka ayaa loo magacaabay C/rashiid Sheekh Cali, guddoomiye ku-xigeenka Maaliyada Qaalid Bashiir Cali, guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada ayaa loo magacaabay Sheekh Xusseen Cismaan Cali, halka xog-hayaha gobolka loo magacaabay C/dulle Nuur Guure.

Guddoomiyaha degmada Beledweyne ayaa loo magacaabay Aadan Axmed Xeefoow, halka duqa degmada Beledweyne loo magacaabay Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo horay u soo noqday taliyihii ciidamada booliiska degmada Beledweyne.

 

Isbadalkan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa oo mar kaliya lagu sameeyo maamulka gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]