4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 10, 2017
Ciidamada Jubaland iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay deegaano hoostaga Kismaayo
Sabti, June, 10, 2017 (HOL)- Maleeyshiyaadka ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowlad goboleedka Jubaland ayaa xalay fiidkii ku dagaalamay Nawaaxiga deegaanka Lugloow oo dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo.

Iska horimaadka ayaa yimid kadib markii maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen saldhig ay ciidamada Jubaland ku lahaayeen nawaaxiga deegaanka Lugloow waxaana halkaasi ku dhexmaray israsaaseyn xooggan.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dashay iska horimaadka dhexmaray labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan ciidamada daraawiishta Jubaland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen laba askari oo Shabaab ah, mid kale oo dhaawac ahna ay gacanta kusoo dhigeen.

Askariga dhaawac ah ee lasoo bandhigay ayaa ah wiil yar oo da'diisa lagu qiyaasay 14-sano jir.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli Al-shabaab ay mudooyinkii u danbeeyay ka waday dalka dagaallo ka dhan ah dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, waxaana aalaaba inta lagu jiro bisha Ramadaan ay Al-shabaab laba jibaaraan dagaallada ay ka wadaan Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.