4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 10, 2017
Maamulka Gobolka Baay oo baaraya iska hor imaad ay ku geeryoodeen 14 qof oo shacab ah

 
Sabti, June, 10, 2017 (HOL)-  Maamulka Gobolka Baay ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaanno ku aadan dad shalay lagu dilay iska hor imaad ka dhacay Magaalladda Baydhabo ee xaruunta goblka Baay.

Ugu yaraan 14 ruux ayaa dhintay halka 15 kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii ciidamo ka wada tirsan Maamulka Koofur Galbeed ay ku dagaalameen Baydhabo.

Iska hor imaadka ayaa waxaa uu ka bilowday goob lagu qeybinayay raashiin macaawino ah.

Gudoomiye ku-xigeenka dhanka amniga ee Gobolka Baay ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin waxyeeladda soo gaartay dadka Shacabka ah asaga oo xusay in wax laga xumaado ay tahay in dhibkaas ay u geysteen dadkii laga doonayey in ay gar-gaaraan dadka shacabka ah.

“Arrintan lama dhihi karo waa shil, waxaan wadnaa baaritaanno adag oo lagu oggaanayo qaabka ay waxa u dhaceen iyo cidda leh mas’uuliyadda dadka Shacabka ah lagu waxyeleeyay”, ayuu hadalkiisa uu si raaciyay.

Waa dhacdadii ugu khasaaraha badneeyd ee ka dhaca magaalladda Baydhabo tan iyo bilashadii bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Dhinaca kale maanta ayaa waxaa la aasayaa dhamaan dadkii shalay ku geeryooday iska hor imaadka, waxaana sidoo kale hadda xaaladdooda ay soo hagaageysaa kuwii ku dhaawacmay rasaastii la isku furay.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia