4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 10, 2017
Daawo: Sanbaloolshe “Qof loogu dulqaadanaayo in amniga uu qash-qasho ma jirto”

 
Sabti, June, 10, 2017 (HOL)- Taliyaha hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mudane C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, oo xalay ka qeyb-galay kulankii looga hadlayay ammaanka magaalladda Muqdishu ayaa sheegay in aysan jiri doonin qof loogu dulqaadanaayo in uu qash-qasho ammaanka.

Wasirka Amniga gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Nabad sugida iyo Booliska Soomaaliya ayaa ka qeyb-galay kulankii xalay.

“Qof ama ha weynaado ama ha yaraado loogu dulqaadanaayo in amniga uu qash-qasho ma jirto, qof ku gaban kara magac ciidan ma jirto, sidoo kale qof ku gaban kara mas’uul dowladdeed ma jirto, amarkaasi waa amar kasoo baxay guddiga amniga Qaranka iyo gollaha wasiiradda”, sidaasi waxaa yiri Mudane Sanbaloolshe.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in aysan dayici doonin sida loo sugaayo amaanka mas’uuliyiinta dowladda.

“Mas’uuliyiinta dowladda, ganacsatada iyo dhamaan dadka Soomaaliyeed waa la difaacayaa, muddo kooban waxaan dooneynaa in magaalladda laga dhigo “Qori la’aan”, annaga shabaab iyo shabaab u eke waan la dagaalameynaa”, ayuu hadalkiisa uu sii raaciyay mar uu ka hadlayay sida loo difaacaayo dadka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta dowladda.  

Dhinaca kale taliyaha ayaa sheegay si magaalladda ay nabad u noqoto in lala shaqeeyo ciidanka howlgalka wada.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia