4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 26, 2017
Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Nabad-Sugida oo ka hadlay isku dhacyo ciidamada ku dhexmaray Muqdisho

 
Arbaco, July, 26, 2017 (HOL) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Federaalka  Soomaaliya iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa si wada jir ah uga hadlay caawa isku dhac u dhaxeeyay ciidammo kawada tirsan dowladda oo maanta ka dhacay magaalladda Muqdisho.

Isku dhacyadii ciidamada dhexmaray waxaa ku geeryooday ku dhawaad shan askari. Mid kamid ah iska hor imaadyada waxaa uu ka dhacay nawaxiga xaruunta Murtida iyo Madadaalada ee National Threat, waxaana lagu dilay Taliye ku-xigeenkii hore ee Ciidanka Nabad-Sugida Gobolka Banaadir Gaashaanle Ciise Xasan Caraale (Jiijiile).

“Guddi ayaa loo saaray oo soo baaraya dadkii ka dambeeyay in shaqaaqadaasi ay dhacdo waxaana laga qaadi doonaa talaabo, tusaale ayeeyna noqon doontaa, ciidan dambe oo loogu dulqaadan doono in shaqaaqo noocaan oo kale ay ka qeyb-qaataana ma jirto”, ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in isku dhacaasi uusan aheyd mid kutalagal ahaa, waxaana uu tacsi u diray askartii ku geeryootay.

Dhinaca kale Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, oo isagana isku dhacaasi ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya baaritaano dhab ah ay ku sameyn doonto dhacdadii maanta dhacday.

“Annigoo ku hadlaya magaca ciidamada Xasilinta caasimada iyo ciidanka kale, waxaan tacsi u dirayaa dhamaan intii ku dhimatay isku dhacaasi, intii ku dhaawacmayna Allah ha caafiyo, isku dhicii maanta dhacay ma aheyn mid qorsheysan, wax niyad jab ahna shacabka uma geysanayo”, ayuu yiri.

Taliyaha ayaa sheegay muddooyinkii ugu dambeeyay howlalkii ka dhacay magaalladda Muqdisho in lagu guuleystay.

Dhinaca kale Ciidamada Xasilinta ee dowladda Somaliya ayaa gacanta ku dhigay Laba Askari oo ka tirsan Milatariga Somaliya islamarkaana watay dhar shacab. 

Dadka Xaafadda Kaawo godey qaybta kala qeybisa degmooyinka Dharkenley iyo Wadajir ayaa sheegaya in ay  halkaas ku dagaallameen Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Somaliya. 

Isku dhaca ayaa ka billowday kaddib markii Labada Askari ee Milatariga ay isku dayeen in ay Qoriga ka qaataan Askariga ka tirsanaa Ciidamada Xasilinta.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia