4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 26, 2017
Ciidamada Kenya oo weerar ka geystay gobolka Jubbada hoose

 

Arbaco, July, 26, 2017 (HOL) – Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa lagu waramayaa in subaxnimadii hore ee saakay weerar culus ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Lagta oo u dhexeeya Kulbiyow iyo Raaskaambooni ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay VOA u sheegeen dadka deegaanka.

Weerarkan ayaa la sheegay in ciidamada Kenya u adeegsadeen taangiyo, waxaana la sheegay inay rasaas xooggan is weydaarsadeen maleeshiyada Al-Shabab oo ku sugan degaanka Lagta.

Ma cadda ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaana dadka degaanku sheegayaan in weli is hor fadhiyaan labada dhinac.

Dhinaca kale ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay dhaqdhaqaaq milatari ka wadaan inta u dhaxaysan Yoontooy iyo Buuloguduud.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ciidanka ay kusii jeedaan deegaanka Guulguduud, halkaasi oo muddo bilow ah ay ciidamada marna tagaan marna ka baxaan.

Mid ka mid ah baabuurta ciidanka ayaa la sheegay in qarax lala eegtay inkastoo aysan caddayn in khasaare ka dhashay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]