4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 26, 2017
Baarlamaanka Soomaaliya oo warbixin ka dhageysanaya gudiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka

 
Arbaco, July, 26, 2017 (HOL) – Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta gollaha shacabka, waxaana kulanka maanta lagu wadaa in warbixin looga dhageysto gudiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaran.

Xaliimo Cismaan (Xaliimo Yareey) oo ah guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin sidii ay warbixin u siin lahaayeen baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo xustay in tani ay qeyb ka tahay sidda uu dhigayo dastuurka KMG ah ee dalka.

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusay in xukuumadda ay ku tallaabsatay horumaro muuqdo, haddii ay ahaan lahayd u gurmashada dadka tabaaleysan, baarmijka daqli uruurinta ciidamada xoogga dalka iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku howlan siddii doorasho qof iyo cod ah ay uga dhici laheyd Soomaaliya marka la gaaro sanadkan 2020.

Wixii ka soo kordha kulanka waan idin soo gudbin doonnaa.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia