4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 26, 2017
Wasiir Beyle oo la kulmay wafdi ka socday Bankiga aduunka

 

Arbaco, July, 26, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaaradda maaliyada xukuumada Soomaaliya Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa kulan xafiiskiisa kula qaatay wafdi ka socday Bankiga Aduunka oo uu hogaaminayay madaxa Bankiga Aduunka u qaabilsan hormarinta Africa Hugh Ridell .

Kulankaasi ayaa waxaa diiradda lagu saaray horumarinta hanaanka maamul maaliyeed ee dalka, kor u qaadista taageerada Bankiga Aduunka uu siiyo Soomaaliya iyo siddii deymaha looga cafin lahaa sida uu sharaxay wasiirka Maaliyadda Soomaliya.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in Wafdiga uu la kulmay ay ka wada hadleen kor u qaadista taageerada Bankiga aduunka iyo siddii Soomaaliya loogu caafin lahaa deymanaha.

Wasiirka Maaliyada ayaa saxiixay lacag gaareysa $1 Million oo dollar oo bandiga aduunka uu ugu talla -galay dadka ay abaauru saameeyeen iyo dadka kale ee danta yarta ah.

Waxaa uu xusay in ay muhiim tahay in Bangiga uu xoojinayo taageerada Soomaaliya uu siinayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshayaal kala duwan oo lagu hormarinaayo hanaanka maaliyadda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]