4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 26, 2017
Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo sheegay in ay ku howlanyihiin sii deynta Maxaabiis ku xiran India

 
Arbaco, July, 26, 2017 (HOL) -Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sheegay in Wasiirka caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ay 1-da Bisha August u ambabixi doonaan dalka India si dowladda dalkasi ay ugala hadlaan sii deynta 118 Maxaabiis Soomaali ah oo ku xir-xiran dalkaasi.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in heshiis dowladda Soomaaliya ay la gashay dowladda India uu dhawaan soo saxiixi doono wasiirka cadaaladda, oo uuna ka shaqeynayo wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.

“Maxaabiista Soomaalidda waxa aan u qabanay Sharci yaqaan Hindi, oo kiisaskooda ka shaqeyn doona waxaana dhawaan dhacaya xukunka. Waxaana heshiiska aan ku darnay in maxaabiistaasi gaareysa 118-ka lasoo wareejiyo, annaguna aan xaq u leenahay in aan dalkeena keeno, marka kiisaskooda la eegana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu cafin karo”, ayuu yiri Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed. 
26-kii September ee sanadkii 2016, Safaaradda Soomaaliya ee dalka India ayaa beenisay wararka sheegaya in dil lagu xukumay qaar ka mida maxaabiis loo haysto falal burcad-badeednimo oo ku xiran jeel ku yaalla magaalladda Mumbai ee dalka Hindiya.

Safiirka dalka Hindiya u jooga Soomaaliya Ebyan Ladane Saalax ayaa sheegtay in safaaraddu ay qoraal ka heshay garyaqaanka u doodaya dhallinyarada ku eedaysan falalka burcadbadeednimada, waxayna sheegtay in weli dacwadda dhalinyaradani ay socoto.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia