4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 26, 2017
Nin haysta Daganaanshaha Maraykanka oo lagu Qabtay howl-gal ka dhan Ah Al-shabaab oo ka dhacay Somalia


Arbaco, July, 26, 2017 (HOL) -Howl-gal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa ajnabi ah ayaa lagu soo qabtay nin sharciga daganaanshaha ah ku leh Maraykanka ,kaasi oo la aamisan-yahay in uu yahay kaaliye sare oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Waxaa howl-galkan oo ay ka qayb-galeen ciidamo Maraykan ah laga fuliyay deegaanka Gilcayo oo bartilmaameed u ahaa ciidamadan is-bahaysanaya  sida ay CNN u sheegeen saraakiil ka tirsan gaashaan-dhiga Maraykanka.

Mid kamid ah saraakiishan ayaa sheegay in qofka la qabtay oo aan magaciisa la shaacin uu dhawaan safar ku tagay Maraykanka ,waxaana uu xusay in uusan haysan dhalashada Maraykanka.

Waxa uu tilmaamay in qabashadan ay ahayd mid lagu tala-galay , iyada oo ay  socdaaan baartiaano dheeri ah iyo xogo ay is-weydaarsanayaan laamaha amniga iyo kuwa sharciga ee Maraykanka ,taasi oo ku aadan arintan ninka daganaanshaha ka haysta Maraykanka.

Dowladda Somalia ayaa hadda gacanta ku haysa ninkan la qabtay ,waxaana weerarkan uu dhacay maalnimad-dii Axad-da ee asbuucan aynu ku jirno,waxaana uu daba socday weerar kale oo ciidamadan isbahaysanaya ay horaantii bishan ka fuliyeen koonfurta Somalia.

“Ciidamadeena waxa ay caawinayaan kuwa Somalia si looga hortago Al-shabaab , isla markaana loo dhimo awood-da ay u leeyihiin in ay qortaan dagaal-yahano cusub soona maleegaan weerarro argagaxiso “ ayaa lagu yiri war ka soo baxay  Hogaanka ciidamada Maraykanka ee Afrika ka dib weerarkii Kunya Barrow ee Somalia.

Ugu danbayn, tiro lagu qiyaasay 50 ilaa 100 askari ayaa la sheegay in ay ku sugan-yihiin Somalia ,kuwaasi oo dowladda kala taliya arimaha ammaanka ,xilli kooxda Al-shabaab ay wali ku sii xoogaysanayso qaybo kamid ah dalka. 

Faysal M. Hassan
[email protected]