4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 25, 2017
Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga oo isu caleema saarey xidig

Talaado, July, 25, 2017 (HOL) - Hoggaamiyaha isbaheysiga mucaaradka Kenya Raila Odinga, ayaa isku tilmaantay inuu yahay shuclad soo muuqatey oo aan la loodin karin, kadib markii Madaxweyne Uhuru uu ka baaqday xaley dooddii madaxtinimada ee foolka foolka aheyd ee dhax mari laheyd.

Raila, oo ah ninka calanka u sida isbaheysiga salka balaaran ee NASA, ayaa kaligii weeydiimaha ay kasoo gudbinayeen facabook-ga qaar kamid ah dadweynaha la su’aalayey habeenkii isniinta.

Ku xigaha isbaheysiga mucaaradka Kalonzo Musyoka, ayaa kal hore sheegay in Madaxweyne Uhuru ka baaqanayo doodda madaxtinimada, isagoo ka baqaya ajandayaasha ay dajisteen mucaaradka.

Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa ku nuux nuux sadey inuu wax ka qaban doono adeega caafimaadka ee liita, iyo sidoo kale hoggaamin xumida haddii uu talada dalkan Kenya qabto.

“Caqabadahan waxey saameyn ku leeyihiin qof waliba ciddii uu doono ha u dhashee,” ayuu ka yiri xarunta laga dukaameysto ee Makutano talaadada, isagoo ku jira lugtiisii saddexaad hawlgalka uu ku baadi goobayo codadka is maamulka Meru.

Raila ayaa sheegay inuu is badal ku sameyn doono dalka boqolka maalmood ee ugu horeeya, haddii uu isagu talada qabto.

Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa ku gacan seyray inuu yahay qof ay qabyaaladi madax martay, isagoo dhanka kale sheegay in cadeyn ay u tahay madaxweynihii hore ee Kenya Mwai Kibaki uu isagu si adag u barbar istaagey sanadii 2002-dii.

Raila ayaa sheegay in dalka is badal ka dhici karo marka ay dadweynuhu danahooda qabsadaan, gaar ahaan dhalinyarada maadaama ay tiradoodu aad u badan tahay.

Kenya ayaa waxaa ka dhacaya 08-da August, 2017-la doorashada guud, iyadoo lasoo marey xili dheer oo olole siyaasadeeda.

Dhinacyada ugu adag ee isku haya doorashadan waa Jubilee oo haatan talaya gacanta ku heysta, iyo isbaheysiga mucaaradka ee NASA.

Doorashadii 2007-dii ee dalkan Kenya oo lagu murmay, ayaa keentay ugu danbeyntii iney dhintaan dad aad u fara badan, kuwo kale dhaawacmaan halka tiro aad u badan ay ku bara kaceen gudaha iyo dibadda dalka.

Dalka ayaa haatan waxaa ka sugun korjoogto ka socota Midowga Africa, Midowga Yurub, Mareykanka iyo hey’addo kaloo fara badan, si ay u indha indheeyaan habsami u socodka doorashada.

Saciid Xasan Anteno, Hiiraan Online
Nairobi, Kenya
[email protected]