4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 25, 2017
Madaxweyne Uhuru oo sheegay in shacabka si toos ah ula hadlidoono

Talaado, July, 25, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in shacabka Kenya uu si toos ah ula hadlidoono, balse aanu dooneyn inuu hadalkiisa uu u sii dhexmarayo warbaahinta, maalin kadib kolkii uu ka baaqsadey ka qeyb galka dooddii madaxtinimada ee foolka foolka aheyd.

Wuxuu hadalkan ka sheegay isu soo bax weyn oo uu ku qabtay is maamulka Nyeri maanta oo Talaada aheyd, tani oo qeyb ka ah socdaal uu ku kala gaalaa bixinayo 30 qeybood, kahor inta aan lasoo gaba gabeyn 08-da August waqtiga ololaha doorashada loo asteeyey.

 “Haatan waxaan halkan u taaganahay inaan idinla hadlo, si toosa oo aan idiin soo dhex marin hadalkeyga warbaahin, maxaa yeelay waxaan doonayaa inaad fahamtaan gundhigga hawlihii lasoo qabtay afartii sano ee lasoo dhaafay,” ayuu yiri Uhuru.

Isagoo inta badan ku hadlayey luqadda Kikuyada, wuxuu yiri madaxweynaha iney fursad u heleen isaga iyo madaxweyne kuxigeenkiisa Ruto iney qabtaan hawshii loo xilsaartey, caqabad ama muran u dhaxeeyana aanu jirin.

Afhayeenka Uhuru ayaa sheegay in madaxweynaha uu waa yadan culeyska saarayey qorshihiisa uu ku doonayo inuu abuuro 6.5 milyan oo shaqo shanta sano ee soo socoto.

Madaxweynaha, ayaa ah hoggaamiyaha xisbiga Jubilee, kaasoo mar kale ay foodda is dari doonaan ninka ay sida weyn u loolamaan ee Raila, doorasho ay inaga xito 13 maalmood.

Uhuru waa wiilka madaxweynihii ugu horeeyey ee Kenya, iyadoo qoyskiisu yihiin kuwo hodan ah, halka Raila uu yahay madaxweyne kuxigeenkii ugu horeeyey ee dalkan, sidoo kale qof caan ku ah. 

Madaxweynaha ayaa kala hadlayey si toos ah taageerayaashiisa facebook-ga, si uu ugala hadlo qorshayaashiisa.

Axaddii lasoo dhaafey, ayuu qadar saacad ah su’aalo loo soo gudbiyey uga jawaabay si toosa baraha bulshada, ha yeeshee dadka qaarkii niyad jab ayey ka qaadeen.

Uhuru Kenyatta ayaa kamid ah dadka ugu dhaqaalaha badan dalkan Kenya, iyo qaaradda Afrikaba.

Saciid Xasan Anteno, Hiiraan Online
Nairobi, Kenya
[email protected]