4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 25, 2017
Gudoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka oo xariga ka jaray xarunta ururka shaqaallaha Soomaaliyeed

 

Talaado, July, 25, 2017 (HOL) -Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaallaha, gudoomiyaha guddiga shaqaallaha rayidka ee Dowladda, xildhibaanno, safiir ku-xigeenka Turkiga, gudoomiyaha ururka shaqaallaha Turkiga, gudoomiyaha shaqaallaha Suudaan iyo xubno matalayey ururada shaqaallaha Afrika, Geeska Afrika, Carabta, Aasiya  iyo waddamada islaamka ayaa maanta ka qeyb-galay xaflad xariga looga jarayey dhismaha xarun cusub oo uu ku shaqeyn doono xiriirka guud ee ururada shaqaallaha Soomaaliyeed.

Ugu horeyn gudoomiyaha xiriirka guud ee ururada shaqaallaha Soomaaliyeed iyo gudoomiyaha ururka shaqaallaha Turkiga ayaa wada sixiixday heshiis wada shaqayn ah iyada oo ururka shaqaallaha Turkiguna uu sabab u ahaa dhismaha xaruntan iyaga oo seddax boqol oo kun oo doolar ku bixiyey dhismaheeda.

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo hadal ka jeediyey goobta ayaa bogaadiyey garab istaaga Ururka Shaqaalaha Turkigu uu u muujiyey ururada shaqaalaha Soomaaliyeed, wasiir saalax oo afka shaqaalaha Soomaaliyeed ku hadlayey ayaana dhismahan cusub uga mahadceliyey Shaqaalaha Turkiga.

C/wali Sheikh Ibraahim Muudeey, gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ayaa dhiniciisa ugu horeyn u mahadceliyey dowladda Turkiga gaar ahaan shaqaalaha, waxa uuna sheegay in Shaqaalaha Soomaaliyeed aysan iloobi doonin sida Shaqaalaha Turkigu ay ugu soo gurmadeen.

“Mahmut Arslan oo ah gudoomiyaha Ururka Shaqaalaha Turkiga iyo saaxiibadiis in ay maanta nala joogaan xafladdan xarig jarka ah ayaa cadeyn u ah sida shaqaalaha Turkigu ay muhiim ugu arkaan in la shaqeeyaan, caawiyaana shaqaalaha Soomaalida.

Maxamed Cusmaan Xaaji gudoomiyaha xiriirka guud ee Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed yiri ‘Shaqaalaha Turkigu waxa ay noo sheegeen in qarash ay noogu talagaleen ku bixin doonaan tababarro la siiyo shaqaalaha Soomaaliyeed laakiin waxaan go’aan sanay in aan u sheegno in ay noo dhisaan xarun aan ku shaqeyno taas ayeyna nala qaateen”.

Mahmut Arslan Gudoomiya shaqaalaha Turkiga ee magiciisa la yiraahdo HAKISH ayaa socodkiisa uu ku yimid Muqdisho ku sheegay in uu bilaaw u yahay wada shaqayn ay rabaan in ay la yeeshaan Xiriirka Guud ee Ururada shaqaalaha Soomaaliyeed, waxa uu sheegay in ay sii joogtayn doonaan caawinta iyo barbar istaaga Shaqaallaha Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray in lacagta ay ku bixiyeen dhismaha Xarunta Cusub ee Ururada shaqaallaha Soomaaliyeed kasoo uruuriyeen shaqaallaha Turkiga, shaqaallaha Turkiguna ay ku faraxsan yihiin.

Ugu dambeyn Gudoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka, Wasiirka Shaqada iyo shaqaallaha, Gudoomiyaha Ururka shaqaallaha ee Turkiga iyo madaxa shirkadda dhismaha Turkiga ee TIKA ayaa si wadajir ah xariga uga jaray Dhismaha cusub ee xarunta u noqon doonta xiriirka guud ee ururada shaqaalaha Soomaaliyeed.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia