4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 25, 2017
Guddoomiye Jawaari oo Muqdisho kula kulmay Faadumo Dhayib

 
Talaado, July, 25, 2017 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’ ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay madaxa qeybta horumarinta ee laanta haweenka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Faadumo Dayib Qaasim.

Guddoomiye Jawaari iyo Faadumo, ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin horumarinta Haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka ku jira Baarlamaanka.

Kulankii maanta sidoo kale waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Haweenka ee Baarlamaanka iyo marti kale.

Faadumo Dayib oo ka mid aheyd musharaxiintii madaxweynaha Somalia, balse si lama filaan ah u sheegtay in ay uga hartay tartanka ayaa loo magacaabay madaxa haweenka ee hay’adda Qaramada Midoobey ee Somalia.

Bishii June ee sanadkan ayaa Faadumo Dayib, waxaa ay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia kula kulntay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Waxaa ay sheegtay inay si dhow ula shaqeyn doonto Madaxweynaha iyo dowladdiisa. Dhinaca kale waxey hadalkeeda sii raacisay in sharaf ay u tahay in madaxweynaha ay ku wareejiso nuqul ka mid ah qorshaha waajibaadkeeda ee Xafiiska ay madaxda ka tahay. 


Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia