4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 25, 2017
Laascaanood : Deeq la gaarsiiyay dad ay wax yeelo ka soo gaartay Qarax Miino


Talaado, July, 25, 2017 (HOL) - Deeq lacageed ayaa la gaarsiiyey dad dhawaan qarax ku haleelay duleedka deegaanka Aricadeeye oo magaalada Laascaanood Waqooyi 30Km uga beegan.

Deeqdan ayaa waxaa dadkan gaarsiiyay Khadar Cali Jaamac oo ah mas’uulka shirkadaha Dahabshiil Group.

Dadkan oo lagu daweynayo isbitaalka Laascaanood ayaa qaba dhaawacyo aad u culus iyadoo 13 ka mid ah dadkii wax gaareen xaalkoodu weli culus yahay.

Dadkan oo qofkiiba la siiyey 500,000 Sh Soomaali ah- ayaa Khadar oo ka hadlayaa waxaa uu yiri "Dadkan dhaawaca ah waxaa ka dardan dadkii ay ka yimaadeen oo aynu ka war hayney xaalada ay ku sugan yihiin, waxaana loo baahan yahay gurmad aan loo kala hadhin"


Agaasinka Isbitaalka Laascaanood Fahiima Koos'faare ayaa walaac xoo gleh ka muujisay dadkan oo ay sheegay in aanay helin wax gargaar ah iyadoo ay hooyo iyo afar caruur ah oo ay dhashay ay Ku jiraan.

"Waxaa looga baahan yahay maamulka iyo bulshada in ay u soo gurmadaan dadkan, dhinaca kale hayaddaha gobolka joogaa hadaanay marka tan oo kale timaado aanay gacan ka geysanayn hayskaga tagaan gobolka ayeey tiri Fahiima.

Waxaa sidoo kale hadlay isku-duwaha wasaaradda Beeraha iyo dib u dajinta oo balanqaaday in ay iyagoo ku hadlaya afka isuduwayaasha dhaqaale deg deg ah la soo gaari doonaan dadka wax yeelada qaba.

Waxgarad iyo odayaal kaladuwan oo ka hadlay halkaasi ayaa baaqdheer ku sheegay in dadkan loo gurmado.

Dadkan oo u baahan qaarkood qaliimo culus ayay adag tahay in isbitaalka laascaanood waxlagaga qabto iyagoo u baahan dhaaaale maadaama aanay awoodin in ay xitaa dawo iibsadaan.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool