4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 25, 2017
Gudoomiyaha degmada Baladxaawo iyo Taliyihii nabad-sugidda degmadaasi oo xabsiga la dhigay
Talaado, July, 25, 2017 (HOL) -Gudoomiyihii degmada Baladxaawo Mudane Max’uud Xayd Cismaan, taliyaha nabadsugidda Cali Xassan Deyr iyo madaxa arimaha bulshada degmadaasi  C/qaadir Xuseen Ibraahim  ayaa maanta xabsiga la dhigay kadib markii lagu eedeeyay in ay  masuul ka ahaayeen dil magaaladaasi loogu geystay eedeeysaneyaal loo heystay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab.

Afarta nin ee la dilay ayay wasaaradda amniga Jubaland todobaadyo kahor kusoo bandhigay Baladxaawo, ayadoo raggani lagu eedeeyay in ay walxaha qarxa soo geliyeen magaalada islamarkaana ku lug lahaayeen dilal ka dhacay degmadaasi, balse waxa ay ahaayeen maxkamad sugeyaal aan weli go’aan laga gaarin arintooda.

Raggan ayaa habeen hore lagala baxay xabsiga, waxaana lagu toogtay duleedka degmadaasi.
Masuuliyiinta xabsiga la dhigay ayay wasaaraddu sheegtay in ay amreen dilka afartaa nin ee ku eedeysnaa in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab.

Wasiirka waasarada amniga jubaland C/rashiid Xasan C/nuur iyo wasiir kuxigeenka arimaha gudaha Jubaland Mudane C/raxmaan Max’ed Xuseeniyo madax kale oo ka tirsan Jubaland oo gaaray Baladxaawo kadib markii ay arintan dhacday ayaa amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo maamulkii degmadaasi iyo talihii nabadsugidda degmada.

Wasiirka amniga Jubaland ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen masuuliyiinta maamulka iyo saraakiisha nabadsugidda ee lagu laayay ragaasi ay ahayd mid xad gudub ku ah sharciga, isagoo sheegay in qofka eedeeysanaha ah aan lagu fulin Karin go’aan aan kasoo bixin maxkamad.

Arrintan ayaa imaaneeysa ayadoo dhawaan degmadaasi lagu toogtay afar nin oo ku eedeysnaa in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.