4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 25, 2017
Al-shabaab oo madax fursho ku sii daayay shaqaale gargaar

 

Talaado, July, 25, 2017 (HOL) - Ururka Al-shabaab ayaa la shegay in ay madax furasho ku sii daayeen 7 shaqaale safamal ah oo ay dhawaan k afduubteen wadadda xiriirsa magaalooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ee gobolka Baay.

Mohamed Isak Ibrahim oo madaxa hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka gobolka Baay ayaa u sheegay Wakaalada Anadolu Agency in Al-shabaab madax furasho ahaan u qaateen hubkii ay wateen shaqaalaha samafalka.

Shaqaalahan la sii daayay ayuu sheegay sarkaalkan in ay ka koobnaayeen Labo dumar ah iyo shan rag ah oo dhamaantood u shaqeynayay hay’ad maxali ah oo samafalka ka shaqeysa.

Horaantii sanadkan ayeey aheyd markii Al-shabaab lacag madax furasho ah ku sii daayeen shaqaale ka tirsanaa hay’adda Save The Children oo ay ku qafaasheen gudaha gobolka Hiiraan.

Laakiin waxaa hadda wali gacantooda ku maqan shaqaale gargaar oo sidan oo kale horaantii todobaadkan ay ka afduubteen deegaanka Farlibaax ee gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]