4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 25, 2017
Guddiga amniga baddaha oo shir ku yeeshay Muqdisho

 

Talaado, July, 25, 2017 (HOL) – Ra’iisl wasaare ku-xigeenka xukuumada federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga amniga Badaha, kaas oo looga hadlayay arrimo dhowr ah oo la xiriira Badda. 

Guddigan oo loo sameeyey in xiriir joogto ah la yeeshaan hay’addaha kala duwan ee dawladda kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha badda ayaa bishii hal-mar kulan ku yeesha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Waxana kulanka ka soo qeyb galay lix Wasaaradood oo ay khuseyso arrimaha baddaha, sida, Wasaaradda Kaluumeysiga, Amniga, Gaashaandhigga, Arrimaha dibada, Maaliyadda, Caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo wafdi ka socday Maamul Goboleedyada oo si dhaw ula socda xaaladda badaha Soomaaliyeed.

Wasiirka Kuluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in la samaynayo sharcigii lagu dhisi lahaa ciidanka ilaaliya xeebaha oo loo yaqaan (Goast Guard) iyo sidii wax looga qaban lahaa sharci darrada looga kaluumeysto xeebaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in shirkan looga hadlay xoojinta hay’addaha Garsoorka.

 

Dhinaca kale wasiirka ayaa sheegay in kulankan uu hor-u-dhac u yahay shir kale oo ka dhici doona dalka Uganda, oo looga hadlayo amniga baddaha Soomaaliya, kasoo ay ka qayb galayaan dhammaan maamul goboleedyada iyo madax ka socota dawladda dhaxe.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa lagu martiqaaday beesha caalamka sidii ay hay’addaha dhaqaalaha bixiya u taageeri lahaayeen qaabka loo sugayo amniga dalka iyo kan badaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]