4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 25, 2017
Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu dilay degmada Wadajir

 

Talaado, July, 25, 2017 (HOL) - Kooxo hubeysan ayaa bastoolado ku weeraray askari ka tirsanaa ciidamada dowladda degmada Wadajir ee gobolka Banaadir halkaasoo ay ku dileen.

Dad joogay meel aan ka fogeyn halka uu dilka ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in rag dhalinyaro ah dhowr xabadood ku dhufteen askariga oo ka tirsanaa ciidamada booliiska, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday raggii dilka geystay.

Askariga la dilay oo magaciisa lagu sheegay C/llaahi Cali Maxamed ayaa lagu waramayaa in isaga dhaawac culus qaba la dhigay isbitaalka Madiina hasse ahaatee uu markii danbe halkaa ugu geeriyooday dhaawaca soo gaaray.

Ciidamo katirsan xasilinta ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, mana jiraan ilaa hada dad loo soo qabtay dilka askarigan ka tirsanaa ciidamada booliiska.

Toogashadan maanta dhacday ayaa imaneysa xili magaalada Muqdisho ay ka socdaan howlgalo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga, waxaana is-goys walba oo caasimada ah ku arkeysaa ciidamo baaritaan ku haya gadiidka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]