4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 25, 2017
Dugsiga Barashada Diinta Islaamka ee Al-furqaan oo bilaabay barashada diinta oo hab “Online” ah
Talaado, July, 25, 2017 (HOL) -Barashada Diinta islaamka iyo shuruudaha laga doonayo qofka Muslimka ah waa waajib saaran qof walba oo Islaam ah. Waxaa jira dad badan oo Muslimiin ah oo ku kala nool daafaha caalamka kuwaa oo aan ayaga iyo ubadkoodaba fursad ay ku adkaatay helitaanka Dugsiyo ay ku bartaan Diinta, ayadoo arintaasi laga duulayo ayaa culumaa’udiin Soomaaliyeed waxa ay hirgeliyeen Dugsi hab Online ah looga baran doono diinta Islaamka.

Arrintan ayaa fursad siineeysa dadka doonaya in ay bartaan diinta Islaamka ee heli kara adeegga Internetka in ayagoo gurigooda jooga ay fursad u helaan in ay culuumta diinta ah bartaan.
Dugsiga ayaa qaadan doona arday cusub oo da’doodu u dhexeeysa 5 sano jir ilaa 17 sano jir, kuwaa oo la bari doono akhrinta qur’aanka iyo xifdigiisa.

Maadooyinka uu dusigan bixin doono waxaa kamid ah;

1.    Xifdinta qur’aanka iyo ducooyinka diiniga ah
2.    Higaadda iyo akhrinta farta carabiga
3.    Axaadiista iyo fiqiga
4.    Caqiida  saafiga ah ee ka madhan xagjirnimada

Waxaa machadkan cidii daneeyneysa ay kala xiriiri kartaan Sype: umulquraan.academy ama Viber. No +252634248685, Tel. +252634066050