4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 25, 2017
Bulshada gobolka Hiiraan oo looga digay in ay garsoor u doontaan Al-shabaab

 

Talaado, July, 25, 2017 (HOL) – Wasiirka Cadaaladda maamulka Hirshabeelle Cabdiqaadir Cismaan Cabdi Salaan ayaa sheegay in wixii ka hadda ka danbeeya loo dulqaadan doonin sida uu hadalka u dhigay in garsoor loo aado deegaannada ay maamulaan Al-shabaab ee gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in maamulka Hirshabeelle ka hergaliyay degmada Beledweyne maxkamad sida uu hadalka u dhigay Islaami ah, sidaa daraadeed aysan jirin sabab garsoor looga doonto deegaannada Booco iyo Luuq Jeeloow oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan.

“Waxaan leenahay shacabka ku dhaqan Beledweyne is qab qabsi ma jiro, maanta kaddib waxaa loo imaanayaa maxkamada halkan ka jirta, waxaad dhihi jirteen meeshaan sharci ilaahey laguma xukumo , waxaad aadi jirteen Booco iyo Luuq Jeelow, haddii ay Aayad wax ku xukumi jireen kuwa waad u tagtaan, halkaan ayaa Aayadii lagu xukumayaa, haddii aad si kale u taageersan tihiin hadde iyaga ku biira oo Aada.” ayuu yiri wasiirka Diinta iyo Garsoorka maamulka Hirshabelle.

Wasiirka Cadaaladda Maamulka Hirshabelle ayaa ugu baaqay shacabka in aysan ka shaqeynin iska hor keenista maamulka iyo bulshada xukunada is qab qabsiga ahna loo tago xarumaha maxkamadaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]