4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 25, 2017
Garsoore ka hor yimid Ciraaqiyiin laga masaafurin lahaa dalka Mareykanka

Talaado, July, 25, 2017 (HOL) –Garsoore federal oo ku sugan magaalada Detroit ee gobolka Michigan ee dalka Mareykanka, ayaa joojiyey in boqolaal qof oo Ciraaqiyiin ah, oo dambiyo galay laga masaafuriyo dalka Mareykanka, kadib markii ay qabteen ciidamada socdaalka iyo canshuuraha.

Mark Goldsmith ayaa ogolaaday codsi ka yimid garyaqaanada Ciraaqiyiinta oo weydiistay in uu si ku meel gaar ah u hakiyo in dadkaas la masaafuriyo, sababtuna ay tahay in la dhibaateyn doono haddii lagu celiyo Ciraq.

Xukunkan ayaa waxaa macnihiisu yahay in 1,400, oo ay ku jiraan in la badan 200 oo la xiray bishii tagtay, ay hadda haystaan waqti dheeri ah oo ay ku raadiyaan sharci ka badbaadinaya in dalkooda lagu celiyo.

Dadka u doodaya dadkan la xiray, oo badankood ah Kirishtan ah, ayaa sheegay in la dhibaateyn doono, la jir dili doono, islamarkaana la dili doono, haddii ay ku laabtaan dalka Ciraq oo ah dal dadka Kirishtanka ah looga tiro badan yahay.

Tallaabada dowladda Mareykanka ay dooneysay inay dadkan ku masaafuriso, ayaan la xiriirin go’aanka madaxweyne Trump uu dalka Mareykanka inay soo galaan uga mamnuucay dadka kasoo jeeday lix dal oo Muslim ah, balse aysan ku jirin Ciraq.

Xigashada Warkan : VOA

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]