4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 25, 2017
Sarkaal howlgalada u qaabilsanaa Al-shabaab oo la qabtay

 

Talaado, July, 25, 2017 (HOL) – Ciidamada dowlad gobolleedka Puntland iyo kuwa Galmudug oo howlgal wada jir ah fuliyay ayaa la sheegay in ay qabteen sarkaal dhinaca howlgalada u qaabilsanaa Al-shabaab.

Wararka ka imanaya Gaalkacyo ayaa sheegaya in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu soo qabtay C/risaaq Husseen Tahliil oo loo yaqaanay (Calool Geel) iyo afar kale.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan uu ahaa nin ay aad u yaqaaneen ciidamada ammaanka, in muddo ahna ay ku daba jireen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulada Puntland iyo Galmudug oo ku aadan howl galkan ay iska kaashadeen, kuna soo qabteen ninkan aadka loo raadinayay.

Sanadkii hore ayay aheyd markii Ciidamada PIS-ta Puntland iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya howl gal ay ka sameeyeen Gaalkacyo ku soo qabteen nin u dhashay dalka Sudan oo la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa horay uga dhacay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay sheegatay Ururka Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]