4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 25, 2017
Adna Adan oo loo magacaabay ergeyga Soomaaliland ee wada hadalada Soomaaliya

 

Talaado, July, 25, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa marwo Adna Aadan Ismaaciil u magacaabay ergeyga wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, halka wasiirkii xiriirka goleyaasha uu xilkii ka qaaday,isla markaana mas'uul kale magacaabay.

“Waxaan kaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka qaranka ee Wasiirka Wasaaradda Xiriirka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaa, waxaanan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso Mudane, Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo aan xilkaa u soo magacaabay”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay madaxtooyadda.

Wasiirkan xilka laga qaaday Cali Xaamud Jibriil ayaan la sheegin sababta xilka looga qaaday,halka wasiirka cusub ee la magacaabay uu hore u ahaan jiray wasiirka warfaafinta dawladdii UDUB ee Daahir Rayaale.

Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu xil cusub u magacaabay marwo Adna Aadan oo laga dhigay ergayga gaarka ah ee wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siolaanyo, waxaa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4921/072017 uu maanta ku magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya.”ayaa lagu soo saaray War-saxaafadeedkaasi.

Marwo Adna Aadan ayaa xukuumaddii Daahir Rayaale ahayd wasiirka arrimaha dibada Somaliland, sidoo kale, waxay magaaladdda Hargeysa ku leedahay cisbitaal weyn oo caan ka ah Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.