4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 25, 2017
Shir u dhaxeeya dowladda iyo AMISOM oo ka furmay xarunta Xalane


Talaado, July, 25, 2017 (HOL) - Shir u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa shalay ka furmay xarunta Xalane, kaasoo socon doona muddo afar maalin ah, shirkan ayaa waxaa loogu gogol xaarayaa sidii Ciidamada Soomaaliya loogu diyaarin lahaa in mas’uuliyada ammaanka dalka kala wareegaan AMISOM, iyo qaababka loo wajahayo xilliga kala guurka ee ay AMISOM dalka ka baxeyso.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiisha, Madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya, Saraakiisha sar sare ee AMISOM, saraakiil ciidan ka socota Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka.

Ergeyga Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Amb, Francisco Madeira ayaa sheegay in shirkan ahmiyadiisu tahay sida ugu haboon ee go’aamada iyo talooyinka loo gaari karo, hadii ay yihiin AMISOM iyo Taliska Ciidamada Xoogga dalka.

Bishii April ee sanadkan Madaxda Soomaalida ayaa gaaray heshiis ku saabsan dhinaca ammaanka, kaasoo dhigaya dhismaha ciidamada qaranka ee AMISOM kala wareegaya Ammaanka, marka la gaaro sanadka 2018.

Amb. Francisco Madiera ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay isku furi doonaan waddooyinka go’an, isla markaana ay sugi doonaan ammanka doorashada sanadka 2021.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Soomaalida loo baahan yahay in la qalabeeyo, lana siiyo hubka ay u baahan yihiin, si ay ammaanka ula wareegaan.

Kulankan ayaa inta uu socdo waxaa shir guddoomin doona Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahad Maxamed Guuleed ayaa bogaadiyay taageerada AMISOM u fidinayaan dadka iyo dowladda Soomaaliya.

“Waxaan marqaati ka nahay walaalaheena Afrika sida ay uga jawaabeen baaqeena ahaa xilligii mugdiga aan ku jirnay, sida ay noo caawiyeen”ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin inuu bilowdo shir u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo AMISOM, isagoo xusay in uu aas-aas u noqon doono in lagu guuleysto xilliga kala guurka ah oo dhamaantood ay dan guud ugu jirto

Shirka inta uu socdo kulankan ayaa waxaa loogu hadli doonaa heshiiskii qaab dhismeedka Amniga ee ay bishii April gaareen Madaxda Soomaaliya iyo fulinta qodobada heshiiskaas ku qornaa ee ku saabsanaa dhismaha ciidamada ka socda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, si ay si tartiib tartiib awood ugu yeeshaan qaadista mas’uuliyada ammaanka dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]