4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 25, 2017
Ciidamada xasilinta oo qabtay kooxo dhac ka geysan jiray magaalada Muqdisho

 

Talaado, July, 25, 2017 (HOL)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Maxamed Cabdi iyo Wasiirka amniga guddaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, ayaa xallay bogadiyay Ciidamada Xasilinta Amniga, kuwaas oo gacanta ku dhigay koox degmadda Yaaqshiid dhac ka geysan jiray xiliga habeenkii.

Ciidamada ayaa xalay saqdii dhexe soo bandhigay “Mooto Bajaaj 12 Mobil, Qori AK47 iyo Saddex Rag ah oo mid ka mid ah uu ahaa dhaawac, kuwaas oo ay sheegeen in Mooto Bajaaj ay dadka ku dhici jireen, sida saraakiisha ciidamada ay sheegeen.

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, ayaa sheegay in maamulka degmadda Yaaqshid uu mudan yahay in la abaalmariyo, waxaana dhinaca kale uu sheegay in howlgallada noocaan oo kale ah ay sii socon doonaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Maxamed Cabdi, ayaa sheegay in sidoo kale koox dhawaan Bomb tuuray la soo qabtay.

Dhinaca kale qaar ka mid ah dadkii mobile laga qaatay ayaa xalay ku sugnaa Xaruunta Police ee degmadda Yaaqshiid, waxaana qaar ka mid ah dadkaasi la siiyay Mobile-ladooda.

Dadka ku nool Degmadda Yaaqshiid, ayaa maalmihii la soo dhaafay cabasho ka ahaa kooxo hubeysan oo dhaca ka geystay degmadaasi.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia