4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 25, 2017
25 qof oo ku dhintay Qarax ka dhacay Pakistan

+ 
Talaado, July, 25,2017 (HOL)– Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhintay halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, kadib markii qof isa-soo miidaamiyay uu isku Qarxiyay bariga magaalladda Lahore ee dalka Pakistan, sida saraiisha ammaanka ay sheegeen.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay goob u dhaw xaruun Police oo ku taalla wadda Ferozepur Road, halkaasi oo ah waddada ugu weyn ee ku taalla caasimada labaad ee dalka Pakistan.

Kooxda lagu magacaabo Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP), ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka, waxaana ay xaqiijiyeen in ay Qaraxa u isticmaaleen “Qof isa-soo miidaamiyay”.

Sarkaal Police-ka ka tirsan oo lagu magacaabo Nazar Abbas, ayaa warbaahinta u sheegay in Qaraxa uu ahaa mid khasaare xooggan uu ka dhashay.

Bishii April, Lix qof ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay magaalladda Lahore, waxaana sheegtay kooxda Taliban.

Sanadkii 2016, dad ka badan 70 qof ayaa lagu dilay weerar is-miidaamin ahaa oo ka dhacay magaalladda Lahore , waxaana dadkii ku geeryooday kamid ahaa carruur iyo haween.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia