4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 24, 2017
Al-shabaab oo sii daayay shaqaale gargaar oo u afduubnaa

 

Isniin, July, 24, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in Al-shabaab sii daayeen shaqaale hay’ad maxali ah oo gargaarka ka shaqeysa kuwaa oo ay dhawaan afduubteen.

shaqaalahan la sii daayay oo gaaraya 7 ruux ayaa afar ka mid ah waxaa ay ahaayeen dumar halka inta kale ay ahaayeen rag waxaana ay ku jireen gacanta ururka Al-shabaab tan iyo 16kii bishan.

Shaqaalaha la sii daayay oo ayaa ka tirsanaa hay’ad lagu magacaabo Career, waxaana sii deyntooda siweyn u soo dhaweeyay shaqaalahii kale ee hay’adda u shaqeynayay iyo weliba ehelada dadka la sii daayay .

Al-shabaa ayaa todobaadkan shaqaale gargaar ka afduubta gobolka Hiiraan iyaga oo dhinaca kalana toogasho ku dilay qof kale oo shaqaalaha ka tirsanaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]