4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 24, 2017
Baarlamaanka Soomaaliya oo dib u soo celiyay sharciga la dagaalanka Musuq-maasuqa

 

Isniin, July, 24, 2017 (HOL) - Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dib u soo celiyay sharciga la dagaalanka Musuq –maasuqa, kaasoo horay ugu soo gudbisay wasaaradda Cadaalada.

Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa Golaha shacabka ka hor akhriyay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa.

Ka hor inta uusan ka gudbin sharcigan Akhritiisii koowaad ayaa waxaa ka hor yimid, iyadoo xildhibaannada baarlamaanka ay soo jeediyeen in dib loogu celiyo wasaaradda.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa soo jeediyay in sharcigan dib loogu celiyo wasaaradda, maadaama qodobo muhiim ah ay ka maqan yihiin, sidaas darteed dib loogu celiyo Wasaaradda, si loo soo dhameystiro

Guddoomiye kuxigenka labaad ee baarlamaanka yaa u akhriyay xildhibaanada qodobada lagama maarmaanka ee loo baahan yahay inay ka soo muuqdana hindise sharciyeedkan la horkeenay Baarlamaanka.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka  C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in sharcigan la dagaalanka musuq maasuqa uu u baahan yahay qodobo ka maqan, isla markaana dib loogu celiyay Wasaaradda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]