4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 24, 2017
Rag lagu eedeeyay in ay Al-shabaab ka tirsanaayeen oo lagu toogtay Beled-Xaawo

 

Isniin, July, 24, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidamada amniga toogasho ku fuliyeen afar ruux oo ku eedeysnaa in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Madaxa amniga degmada Beled-Xaawo Bile Huufoow Ibraahim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay ragga la toogtay qaarkood ka danbeeyeen dilka nin nabadoon ah, isaga oo intaa ku darray in ay qirteen danbigooda.

Waxaa uu sheegay sarkaalka ka tirsan maamulka degmada in ragga la toogtay in ay ahaayeen xubno ka tirsan Al Shabaab gaar ahaan kuwa u qaabilsan dilka.

Xubno lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al- Shabaab laguna helay dambiyo la xiriira  dilal ay geesteen ayaa lagu toogtay magaalooyin dalka ku yaala, waxaana wali xabsiyo ku jira xubno kale oo iyana dilal lagu xukumay kana tirsan Ururka Al Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]