4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2017
DOODA FAGAARAHA: Cabdi Caynte iyo Faysal Rooble oo isku raacay in Soomaaliya ay u socoto jiho wanaagsan

Isniin, July, 24,2017 (HOL) - Dood-cilmiyeedka Fagaaraha Forum ayaa shalay lagu qabtay magaaladda Minneapolis  ee gobolka Minnesota, waxaana marti ku ahaa wasiirkii hore ee qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, hadana ah safiirka Soomaaliya ee dalka Ingiriiska Cabdi Caynte iyo Faysal Rooble oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka.

Doodan oo ciwaankeedu ahaa “Xaggee Soomaaliya u socotaa 57 sanadood oo aan xor aheyn kaddib” waxaa qeybinayay madaxa Fagaaraha Faarax Blue, waxaana goobjoog ka ahaa daawadayaal ka kalay yimid dhowr magaalo iyo dhowr gobol.

“Marxladda lagu jira waxay dib u dhameyneysaa wixii hore u soo dhacay, waxaan hada ku heshiineynaa inaan dowlanimadeena soo ceshanno, waxaan is leeyahay, waxaan u soconaa meeshii la rabay oo ah inaan karaamadii iyo sharaftii soo ceshaneyno” ayuu yiri Danjire Cabdi Caynte.

“Waxaan isla oggollaanay inaan dowladnimadeena wada dhisano hadda. 10 sano ka hor dowlanimadeedna shaki ayaa ku jiray, laakiin hada waxaan heysannaa nimaad aan ku dhex doodi karno kaas oo aan wax ku toosin karno, loogana sixi lahaa meelaha ay dowladnimadu ka rabto toosinta, taasina waxay ku tusineynaa inaan is oggolnahay oo aan colaadihii iyo dagaalladii ka heshiin karno” ayuu yiri Caynte.

Wuxuu sheegay Caynte in dhinac kasta marka laga fiiriyo dalkeena ay muuqato rajo ah inaan u soconno jiho sax ah.

“Aqoon ahaan iyo dhaqaale ahaan dadka Soomaaliyeed maanta waa ka fiican yihiin 27 sano kahor” ayuu sii raaciyay Ambassador Caynte.

Faisal Roble ayaa isna sheegay in saadaal lagu farxi karo ay ka soo socoto Soomaaliya . “Waxaan qabaa rajo ah inaan u soco dhinac wanaagsan, waxaana hada muuqata inaan wax ku heshiinay, Waxaana u arkaa in sidii shimibirtii dabka ka soo dhex baxeysay oo kale aan dhibaato iyo dowlanimada la’aanta ugu soo baxeyno” ayuu yiri Faysal Rooble.

“Waxaan u arkaa inaan dib u socod ku jirnay intii u dhexay 2001 ilaa hada laakiin kor ayaan u soo kaceynaa, waxaana heysannaa dowlanimo aan ku doodi karno hagaajinteeda, waxaana horumarka la gaaray ka mid ah hirgalinta federalismka oo xilligi madaxweyne Xasan Sheekh si fiican looga dhaqan galiyay dalka, dastuurka, kobcinta dhaqaalaha, gaar ahaan canshuurta iyo nidaamka dimoqraadiyadda” ayuu sharraxay Faysal Rooble.

Wuxuu sheegay in waxyaabaha kale ee rajada abuuraya ay ka mid yihiin dhismaha ciidamada qaranka iyo la dagaallanka Alshabaab. “Xillgii madaxweyne Sheekh Shariif waxay dowladiisu ka talineysay hal kilo mitir, maantana waxaan dhihi karaa haddii ciidankeenu dhismo in dalka oo dhan uu gacanta u soo gali doono dowladda Soomaaliya, waana rajo aad u weyn oo markii hore aynaan heyn”

Caynte iyo Faysal waxay sidoo kale isla garteen inay jiraan caqabado dhowr ah oo ay dhici karto inay ragaadiyaan rajada iyo ififaalaha muuqda kuwaas oo ay ka mid yihiin dhaqaale xumida, faragalin shisheeye, 4.5 iyo deymaha .

Siyaad Siciid Saalax, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota