4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 24, 2017
Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Kabul ee dalka Afghanistan

 

Isniin, July, 24, 2017 (HOL) – Qarax ismiidaamin baabuur ah oo ay Taliban fulisay ayaa ugu yaraan 24 qof ku dilay, islamarkaana 40 kale ku dhaawacay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan, Najib Danish oo xaqiijiyey khasaaraha qaraxa, ayaa sheegay in qofka qaraxa fuliyey uu baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey ku dhuftay baabuur ay saarnaayeen shacab iyo shaqaale dowladeed, oo marayey dhinaca galbeed ee magaalada.

Qaraxa ayaa dhacaya, xilli baska uu marayey suuq aad ay dadka u buuxaan, taasi oo khasaare xooggan gaarsiisay dadkii ka adeeganayey iyo dad marayey waddada, sida ay goobjoogeyaal u sheegeen weriyayaasha.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in dhimashada ay kordhi doonto, madaama aan ilaa iyo hadda la dameyn tira koob rasmi ah oo la xiriira dadka wax yeelada ka soo gaartay qaraxa.

 

Afhayeen u hadlay booliska Kabul ayaa VOA u sheegay in dhibanayaasha ay badankood yihiin shaqaalaha macdan qodista iyo shidaalka.

Kooxda Taliban ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, oo ay tiri in lala beegsaday laba baabuur oo ay saarnaayeen shaqalaaha hay’adda sirdoonka Afghanistan ee NDS, ayna dileen 38 ka mid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]