4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 24, 2017
Weerar lagu qaaday safaarada Israa’iil ay ka ku leedahay Urdun

 

Isniin, July, 24, 2017 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Jordan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay weerar lagu qaaday safaaradda Israa’iil ay ku leedahay Urdun.

Weerarka ayaa la sheegay in uu ku dhintay hal qof labo kalana ku dhaawacmeen, iyadoo saraakiisha booliiska dalka Urdun sheegeen in la maqlayay dhawaqa rasaasta kaddib markii nin u shaqeynayay shirkad sameysa Alaabaha guryaha la dhigto uu gallay dhismaha safaarada halkaasi uu weerar ka geystay .

Inkastoo aan la ogeyn wax yaabaha sababay weerarkani ayaa hadana waxaa la rumeysan yahay in uu xiriir la leeyahay xiisada ka taagan masjidka Barakeysan ee Qudus.

Falastiniyiinta ku nool halkaasi ayaa ka carooday tallaabooyin dhanka ammaanka oo ay Israa’iil ku soo rogtay Masjidka Barakeysan ee Haram Al- Shariif oo ay Yuhuudu u taqaano Temple Mount.

Waxaana sidoo kale tallaabada ay qaaday Isra’iil ka dhashay dibadbaxyo ay shacabka Urdun uga soo horjeedaan.

Arrintan la xiriirta tallaabooyinka ay qaadayaan ciidamada Yuhuuda ee gabood falo ku ah shacabka reer Falstiin ayaa ka carreysiisay inta badan dadka ku dhaqan dunida muslimka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]