4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 24, 2017
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo fashiliyay qarax miino

 

Isniin, July, 24, 2017 (HOL) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee saakay ku guuleystay in ay fashiliyaan qarax miino oo waddada dhinaceeda lagu aasay, waxaana qaraxan ciidamada ku soo war-galiyay dadka deegaanka oo arkay halka lagu aasay.

Sargaal katirsan ciidanka dowlada ayaa sheegay in qaraxa Miino lagu aasay waddada KM-13 ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan la doonayay in lala beegsado gaadiidka dowlada iyo kuwa AMISOM ee wadadaasi mara.

Waxaa gaaray goobta ciidamada miino barista dowlada Soomaaliya oo gaaray halka miinada lagu aasay ayaa ku guuleestay in ay si nabad galyo ah u kala furaan miinada wadada dhinaceeda lagu aasay, waxaana in mudo ah hakad la galiyay gaadiidkii u kala goosha Afgooye iyo Muqdisho.

Laamiga dheer ee isku xira magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooge gaar ahaan agagaraka KM-13 ayaa marar badan waxaa lagu aasay miinooyin khasaaro uu kasoo gaaray dad shacab ah iyo ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya.

Todobaadyadii ugu danbeeyay waxaa hoos u dhacay qaraxyadii inta badan ka dhici jiray caasimada, waxaana soconaya howlgalo ballaaran oo ay wadaan ciidamada dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]