4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 24, 2017
Qunsuliyadda Guud ee Cadan oo faafaahisay tirada Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka dib loogu soo celiyay

 
Isniin, July, 24,2017 (HOL)– Qunsuliyadda Guud Ee Soomaaliya ee Magaalada Cadan ayaa soo bandhigtay tira koobka qaxootiga Soomaaliyeed ee lagu guuleystay in laga soo daadgureeyo dalka yemen oo Colaad Sokeeye ay ku qabsatay dalka Yeman.

Axmed Cabdi Xasan Axmed Suudaani oo Qunsuliyadda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Cadan ayaa sheegay in tirakoobkaan uu yahay dadkii qaxootiga Soomaaliyeed ee laga soo daadgureeyay dalka Yeman intii dhexeysay bishii October 2016 illaa bishaan aan ku jirno ee Julay 2017.

Amb Suudaani wuxuu sheegay in wadarta guud tirade qaxootiga ee yaman laga soo daadgureeyay ay gaareyso 1243 qof oo isugu jira Qaxooti,Arday, dad xanuunsan iyo qoysas si iskood ah ugu noolaa dalka Yeman.

Kumannaa Qaxooti Soomaali ah oo ka cararay colaaddii sokeeye ee sanadku markuu ahaa ahaa 1991 ka qaraxday dalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalooyinka waaweyne ee dalka Yeman, halkaas oo ay qarkood ka bixlaabeen in ay abuurtaan nolol cusub hase yeeshee waxaa mar qura isbadashay xaaladda kadib markii dalkaasi mar qura uu ka qarxay dagaal sokeeye oo ay horkacayeen kooxda Xuutiyiinta oo gacan ka helayay maleeshiyaad daacad u ah Madaxweynihii hore ee Yeman Cali Cabdalla Saalax.

Qunsuliyadda Guud ee Soomaaliya ayaa markiiba billaawday dadaal dheeraad ah oo ay kaga jawaabeyso baahida qaxootiga Soomaaliyeed oo ka baxsanayay Duqeynta iyo dagaalada foolkafoolka ee ugu dambeyn sababay in maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay la wareegaan magaalada Sanca Ee Caasimadda Dalka Yeman.

“Markuu ay Xaaladdu dhinac walba ka cakirantay waxaan qaadanay go’aan ah in aan soo daadgureysno muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan u dhaaranay, majirin wax dhaqaale ah oo aan ka qaadeynay dadka qaxootiga ee dib aan ugu soo celinay dalkooda hooey, sidoo kale majirin cid cawimaad nagu siisay soo daadgereyntooda, waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaaji iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo marwalba nagu dhiirrigalinayay dadaalka joogtada ah ee aan mudadaas wadnay illaa hadana aan wadno”ayuu hadalkiisa raaciyay mudane Axmed Suudaani Qunsulka Guud ee Magaalada Cadan. 

Hiiraan Online,
Mustaf Hussein
Mogadishu,Somalia