4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 24, 2017
Miisaaniyadda Soomaaliya oo markii ugu horeysay taariikhda mareysa dhageysi dad-weyne (Public Hearing)

 
Isniin, July, 24,2017 (HOL)– Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay taariikhda maanta dhageysi waadix ah ku sameynaya Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2017.

Tan iyo bur-burkii dalka ma jirin dhageysi dad weyne oo la marsiiyo Miisaaniyadda ka hor inta aan Baarlamaanka la horgeyn.

Dhageysiga Miisaaniyadda ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka qeyb-galaan, Ururada Bulshada rayidka, NGOs, dadka baahiyaha-gaarka ah qaba iyo marti sharaf kale, waxaana si toos ah ay su’aalo u weydiin doonaa guddiga Maaliyadda.

“Waa tallaabadii ugu wanaagsaneyd ee ay sameeyaan Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana dhageysiga Miisaaniyadda laga dhaxli karaa in la ogaado meelaha ay tahay in wax laga bedello”, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay Xasan Yuusuf oo ah qabiir ka faalooda arrimaha siyaasada ee Soomaaliya.

Kulanka dhageysiga dadweynaha ayaa waxaa lagu wadaa in maanta lagu qabto magaalladda Muqdisho. 

Miisaaniyada sanadkan ayaa waxaa ay tahay US$ 246 million.

15-kii bishan Baarlamaanka federlka Somalia ayaa su’aalo waydiiyey wasiirka Maaliyada ee dowlada federalka ah ee Somalia, Cabdiraxmaan Xussein Ducaale, (Bayle), waxaana Su’aalaha ugu badan ay ahaayeen kuwa ku saabsanaa Miisaaniyada sanadka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay Wasaarada Maaliyadda dib ugu celiyay Miisaaniyada dowladda oo ay ku sheegeen in ay qalad tahay waxaana loogu baaqay Wasaarada Maaliyadda iney soo saxdo waxaana xilligaasi si KMG ah loogu ansixiyay 3 bil oo keliya.

Dhinaca kale waxaa jira maamul-gobolleedyo ka si hordhac ah uga horyimid Miisaaniyadda ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia