4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 24, 2017
Uhuru Kenyatta oo booqday magaalladda Garissa

 
Isniin, July, 24,2017 (HOL)–Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shalay booqday gobolka Waqooyi Bari gaar ahana magaalladda Gaarisa xillli ay laba toddobaad oo keliya ka harsan tahay doorashada madaxtinnimada ee waddankaasi.

Uhuru, ayaa wada Ololihiisa ugu xooggan ee dhinaca doorashooyinka. Madaxweynaha  waxaa uu shalay oo Axad aheyd sameeyay “Facebook page”, oo uu su’aallo ugu jawaabayay dadka doonayay in ay su’aallo weydiiyaan.

Kenyatta booqashadiisa ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Al-Shabab ay weerarro kasii waddo gobolkaasi iyo gobolka kale ee deriska la ah ee Lamu. 

“Waxaan idin sheegayaa dhamaantiin gaar ahaan dhallinyarada, in aydaan aadin wado qaldan oo ay idin wadaan siyaasiyiin”, ayuu yiri Kenyatta.

“Noo ogolaada in aan si nabad-gelya ah u soo bandhigno Ololaheena. Noo ogolaada in aan midowno. Noo ogolaada in aan dadkeena si nabad-gelya ah aan ula raaxeysanno oo aan doorasho u galno”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

17-kii bishan Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa iclaamiyey hawl-gal ballaaran oo dhanka amniga ah kaasi oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, wuxuuna amray in kooxdaasi mayalka adag la dilo dabeedna la aaso.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo uu wehliyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa sheegay in Shabaabka qaska ka wada gudaha dalka Kenya la soo qab-qaban doono.

Dhinaca kale, 21-kii May ee sanadkii 2016, Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa booqasho ku tegaya xarunta jaamacada Gaarisa ee Waqooy Bari Kenya kadib weerarkii Al Shabab ay ku dilen in ka badan 140 ruux oo u badnaa ardayda Jaamacada.

Uhuru ayaa kulan la qaatay madaxda magaalada Gaarisa iyo ururada bulshada halkasi ka shaqeeya.

Al Shabab ayaa weerar culus ku qaaday Jaamacada Gaarisa 2dii April sanadkii 2015-kii halkasi oo ay ku dilen in ka badan 140 qof oo isugu jiray Arday iyo ciidamada Amniga.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia