4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 24, 2017
Kooxda Taliban oo la wareegtay labo degmo oo ka tirsan Afganistan

 
Isniin, July, 24,2017 (HOL)–Kooxda Taliban ayaa la wareegtay labo degmo oo ku kala yaalla bartamaha iyo waqooyga dalka Afgaanistan, sida ay sheegtay wakaalladda DPA News agency.

Ciidanka dowladda Afgaanistan ayaa la sheegay in ay ka carareen degmooyinka, kadib markii koox si weyn u hubeysan ay soo weerareen degmooyinka.

“Tira badan oo ah dagaalamayaasha kooxda Taliban, ayaa soo weeraray degmooyinka, kadibna ciidamada dowladda ayaa isaga baxay, waxaana sidaasi degmooyinka kula wareegay kooxda Taliban”, sidaasi waxaa sheegay Javed Bedar, oo ah afhayeenka Guddoomiyaha Gobolka Faryab.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in ay jiraan khasaara gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Madaxweynaha dalka, todobadkii lasoo dhaafay waxaa uu ciidamada kula dar-daarmay in ay xoojiyaan dagaalka, waxaana dhinaca kale uu taageero ka dalbaday wadamada la dhacsan siyaasada dalka Afgaanistan. 

Kooxda mucaaradka dalka Afganistan ee Taliban, ayaa laba-laabtay dagaalka ay kula jirto dowladda labadii sano ee lasoo dhaafay.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia