4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 23, 2017
Sanbaloolshe “Ganacsatadii la arko iyagoo aadaya ama ka imaanaya meelaha Al Shabaab ay deganyihiin waa la qabanayaa”

 
Axad, July, 23,2017 (HOL)–Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, oo xalay ka qeyb-galay kulan ka dhacay magaalladda Muqdishu ayaa sheegay Ganacsatada aada degaanka Tooratorow ama meelaha kale ee Al Shabaab ay ka taliyaan in la qaban doono.

Kulankii xalay waxaa ka qeyb-galay Wasiirka amniga gudaha, taliyeyaasha Nabad-Sugidda iyo Booliiska iyo saraakiil kale.

“Ganacsatadii aada ama la arko iyagoo ka imaaneysa degaanka Tooratoorow ama degaannada kale ee Al Shabaab ay joogaan waa la qabanayaa, waxaana lagu sameyn doonaa baaritaanno, haddii ay ku cadaato in ay degaannadaasi ay geeyeen lacago ama ay u xukun tageen, waxaa lasoo taagi doonaa maxkamad, hantidoodana waa lala wareegayaa”, ayuu yiri taliyaha.

“Waxaan ka war qabnaa baadaas ka sakow, in ganacsato iyo maal qabeenno Soomaaliyeed ilaa xad ku qanacsan fekirka Al-shabaab in ay jiraan,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale waxaa uu yiri “ dhaqaalaha kala duwan ee urrurada argagixisada sida Al-shabaab soo gala, waxaa loogu yeeraa magacyo kala duwan,  sida taakuleyn, Zakawaad, ganaax iyo kuwo kale.

Dhinaca kale 12-ka bishii April, Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khubad ka jeedinayay munaasabada xuska 57 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dowladda diyaar u tahay wadahadal lala galo madaxda Al-shabaab.

‘’Waxaan leenahay hogaamiyayaasha Al-shabaab mudo 10 sano ka badan ayaa dagaalameyseen, waxa aad leyneysaan oo aad hantidooda bur burineysaan waa dadkiinii, hubka iska dhiga oo noo imaada, waxaa diyaar u nahay in aan wada xaajood idinla furmo ayuu yiri madaxweynaha dowladda Soomaaliya. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia