4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 23, 2017
Soomaaliland oo sheegtay in Sacuudiga uu xayiraadii ka qaaday dhoofka xoolaha Soomaalida

 

Axad, July, 23, 2017 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Soomaaliland C/llaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay in Sucuudigu xayiraadii ka qaaday xoolaha Soomaalidda oo muddo xayirnaa.

Wasiir Cukuse waxaa kale oo uu sheegay in dalka Imaaraadka Carabta uu balanqaaday inuu xoolaha nool inaga iibsan doono oo uu Imaaraadkuna noqon doono suuq labaad oo loo helay xoolaha Soomaalidda.

“ Inaan umadda ugu bushaareeyo iibkii xoolaha nool ee tagi jiray Sucuudi Arabiyo, oo muddo inaga xayirnaa in la noo furay, dadaal badan iyo baryadda ilaahay oo la inaga aqbalaly ka dib dalka Boqortooyadda Sucuudi arabiya, waxay inoo ogolaadeen inaynu dirno moosinka xajka xoolihii noolaa ee aynu awalba diri jirnay”ayuu yidhi Cukuse oo ka hadlayey xayiraadii uu Sucuudigu ka qaaday xoolaha Nool ee Soomaalidda.

Waxaa kale oo uu sheegay in Imaaraadka Carabta uu ogolaaday inuu noqdo suuq kale oo xoolaheena loo dhoofiyo, waxaanu yidhi “dalka Imaaraadka Carabta socdaalkii aanu ku tagnay ee madaxweynuhu hogaaminayey waxa uu naga ogolaaaday inuu noqdo dal kale oo aynu xoolaha u dhoofino oo ganacstadda waaweyn ee Sucuudiga ee sayladaheena wax ka iibsada ay ku soo biiraan tujaar kale oo carbeed oo dalka imaaraadka Carabtu leeyahay, waxaanu doonaynaa in saylado kale oo xoolaha loo dhoofiyo aanu raadino”.

Si kastaba ha ahaatee, laf dhabarka dhaqaalaha Soomaalidu waa xoolaha nool, waxaana muddo ka xayirnaayeen suuqa ugu weyn ee loo dhoofiyo ee Sucuudiga, nasiib wanaagse xukuumaddu waxay sheegtay inuu xayiraadii ka qaaday taas oo rajo iyo yididiilo galinaysa xoolo dhaqatadda Soomaalidda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.