4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 23, 2017
Qarax lagu dilay askar ka tirsan ciidamada maamulka Koonfur galbeed

Axad, July, 23, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in miino waddada lagu aasay lagu bartilmaameedsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Inta la og-yahay saddex askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Koonfur galbeed ayaa la sheegay in ay ku dhinteen qaraxa miino oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Buundo Madow oo dulleedka ka xiga Baydhabo.

Askarta geeriyootay ayaa waxaa ay saarnaayeen gaari kadibna waxa uu ku istaagay gaarigaasi qarax miino oo halkaasi Shabaab ay ku aaseen.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda Askartaas geeriyootay, waxayna sheegeen ciidanka qaraxa ay u dhigeen in ay u scodeen xerada ciidamada Daynuunay ee Gobolka Baay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]