4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 23, 2017
Dowladda oo faah faahin ka bixisay maxaabiis laga soo daayay xabsi ku yaala dalka Itoobiya


Axad, July, 23, 2017 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ku faah faahisay 114 muwaaddin oo Soomaali ah oo laga soo daayay xabsi ku yaalla Itoobiya.

War-saxaafadeedka ayeey dowladdu ugu mahad-celisay xukuumadda Itoobiya iyo is maamulka Soomaalida ee dalka.

“Dadaal ballaaran oo ay sameysay Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dib, ayaa xalay waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo degey 114 muwaaddin oo Soomaali ah oo laga soo daayay xabsi ku yaalla magaalada Jigjiga, dowladda Soomaaliya waxay u mahad celisay dowladda federaalka Ethiopia iyo dowlad deegaanka Ismamulka Soomaalida saaxiibtinnimada ay muujiyeen ee ay kaga dhabeeyeen siideynta maxaabbiista, taas oo ay hore ugu ballan-qaadeen Madaxdeenna.”

“Tallaabadan ayaa qeyb ka ah hindise niyad wanaag ah oo lagu xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo midka derisnimo ee labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia. arintaani waxay ka dambeysay ballanqaadkii dowladda Soomaaliya ee ahaa in ay ka shaqeyso in Maxaabbiista Soomaalida ah ee ku xiran dalal dhowr ah ay u howlgasho sidii loo sii deyn lahaa ama ay xabsigooda ugu dhammaysan lahaayeen dalka gudihiisa. danjiraha Soomaaliya ee Addis Ababa, Maxamed Cali Nuur, oo maxaabbiistan ka soo qaaday JigJiga ayaa markii ay Muqdisho ka soo degeen wuxuu ku wareejiyay hey’adaha booliiska iyo garsoorka.”

Maxabiistan ayaa noqonaya tiradii ugu badneyd ee Soomaali ah oo ay dowladda ka soo celiso dalka dibadiisa, balse wali boqollaal iyo kumamaan Soomaali ah ayaa ku xiran xabsiyada dibadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]