4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 23, 2017
Madaxweynaha Turkiga oo eedeyn kulul u jeediyay Israa’iil

 

Axad, July, 23, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku eedeeyay Israel inay awood xad dhaaf ah u adeegsadeen dadka Falastiniyiinta ee ku dibad baxayay masaajirka barakeysan ee Al Aqsa ee ku yaala magaalada Qudus.

Isku dhacyo dhex maray Ciidamada Israa’iil iyo dhalinyaro Falastiniyiin ah ayaa waxaa ku dhintay illaa saddex Falastiniyiin ah.

Maamulka Israel ayaa jimcihii la soo dhaafay soo saaray amar ah in ragga da’dooda ka yar tahay 50-ka sano ay salaada jimcaha ku dukadaan barxada masaajidka barakeysan ee Al Aqsa.

Madaxweyne Erdogan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Israel ay dadka rayidka ah ay beegsato, isla markaana u adeegsato awood dheeraad ah.

Sidoo kale waxaa uu caddeeyay in aan loogu dulqaadan karin Israel tallaabooyinka ay ku bartilmaameedsaneyso dadka rayidka ah.

Falastiniyiinta ayaa aad uga soo hor-jeestay awaamiirta cusub ee ka soo baxay Israel, waxaana Madaxweynaha Falastiniyiinta Maxamuud Cabaas uu ku dhawaaqay inuu jaray dhamaan xiriirkii kala dhaxeeyay Israa’iisal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]