4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 23, 2017
Daawo: Sanbaloolshe oo ka hadlaya go’aannada cusub ee la soo saaray

 
Axad, July, 23,2017 (HOL)–Shirkii xalay ay ka qeyb-galeen Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale, taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliiska waxaa laga soo saaray go’aanno kala duwan.

Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa sheegay in dhaqaale kala duwan ay urrurada argagaxisada ah ay soo galaan, kuwaas oo loogu yeero magacyo kala duwan,  sida taakuleyn, Zakawaad, ganaax iyo kuwo kale.

“Waxaan ka war qabnaa baadaas ka sakow, in ganacsato iyo maal qabeeno Soomaaliyeed ilaa xad ku ay qanacsan fakarka Al-shabaab in ay jiraan, ganacsato iyo dadka kale oo hanti leh in ay si sahlan u taakuleeyaan,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Halkan ka daawo Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda oo ka hadlaya:-

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia